Sidee lagu gartaa? Sideese naftaada u ilaalin kartaa?
Nolosha xiriirka, qof walba wuxuu mudan yahay nabad, ixtiraam, iyo kalsooni. Laakiin mararka qaar waxaan ku dhacnaa xiriir aan caafimaad qabin oo si tartiib ah u dhaawaca qalbiga iyo maskaxda nagana qaada kalsoonideena.
Su’aashu waa: sidee lagu kala gartaa nin caafimaad qaba iyo nin aan caafimaad qabin?
Maqaalkan wuxuu kuu furayaa aragti cad.
Nin Caafimaad Qaba – Nabad ayuu keenaa
Ninka caafimaadka qaba ma aha qof kaamil ah laakiin waa qof ka shaqeeya naftiisa, kana war haya dabeecadiisa frican ido kuwa xun.
Astaamihiisa:
1. Ixtiraam
- Wuxuu ku dhageystaa si dhab ah oo ixtiraam leh
- Kuma yaso, kuma dhaawaco , hadalkaaga kama dhigo mid aan Jirin
- Wuxuu qadariyaa fikirkaaga iyo dareenkaaga
2. Mas’uuliyad
- Qaladkiisa wuu aqbalaa wuuna qirtaa
- Wuxuu yiraahdaa: “waan qaldamay”
- Wuxuu isku dayaa inuu is hagaajiyo
3. Kalsooni iyo xasillooni
- Kuma dareensiinayo cabsi ama walwal.
- Wuxuu ku siinayaa meel aad ku noqoto naftaada (uma baahnid inaa iska gadid si uu kuu jeclaado , ama uu kuula joogo) sidaaduu kurgu rabaa.
- Wuu ku taageeraa, ma xannibo , makaa hor istaago waxyaalaha adiga aa u aragtid iner muhiim kuu yihiin . Hiil iyo hoo woo ku grab taaganyahay data marka ay kaa taalo.
4. Xuduud faham (Boundaries)
- Wuxuu ixtiraamaa xuduudahaaga , ma gudbo , ma jabiyo , ma yaso maxi yeelay wax kuu arkaa qof baniaadam ah naf leh xor ah .
- Kuma qasbo wax aadan rabin, waxee doonaan ha noqdaan ! kuuma gootiyo , kuuma hanjabo , niyadada kuma ciyaaro.
- Wuxuu fahmaa “maya” , uma baahnid inala u sharxdid markasta ! wuu ogyahay maya in ay tahay ay adi aa rabin. (ima jeclid iyo kulama imaanaayo maxaa yeelay waa qof caafimaad qaba).
5. Daacadnimo
- Wuxuu kuu sheegayaa runta , been dhan kama kaftamo Eileen kalsooni buuxda buu isku aabaa ilaaheyna wiu ka cabsadaa.
- Maku ciyaaro maskaxdaada , nimanka qaar axee ku dhaqmaan (mind games) in amanita dhan howl / fikir iyi wal wal in ay kuu keenaan ayagoo og in ay danbigaaada ahoy kana dhigo danbigaaga.
- Ficilkiisa iyo hadalkiisa waa isku mid waa Rag oo haduu balan kaa qaado isma bedelo ee wiu ka dhabeeyaa.
- Wuxuu jecelyahay inuu dadka isku si ula dhaqmo ! oo ixtiraamkiisa imo dabeecadiisa sof gaar uma ahan. Isma qariyo oo bandanka imo guriga waa halkii nin ! 10 weji oo kala dywan malahan.
Natiijada:
Waxaad dareemeysaa nabad, qiimo, iyo kalsooni inuu noloshaada ku jiro.
⚠️ Nin Aan Caafimaad Qabin – Cadaadis ayuu keenaa
Ninka aan caafimaad qabin wuu ku wareeriyaamar wuu fiicanyahay , marna wuu xunyahay .Laakiin gudaha xiriirka, waxaad dareemeysaa culays , walwal , kalsoonin darro , ixtiraam darro ,baahi ah in lagu maqlin , lagu dhageesan , dan lagaa laheen.
Calaamadihiisa:
1. Xakamayn (Control)
- Wuxuu rabaa inuu go’aannada kuu gaaro
- Wuxuu xaddidaa xorriyaddaada, oo wax ha sameenin asigoo ku dhaheenin ayuu si emotional ah kuu cadaadiyaa. Wax waliba oo kuu sameeni jiray ayuu kaa goostaa si aa u calaacashid , u ooysid . Intaasaa raadiyaa sida uu kuu dareensiin lahaa awood darro iyo inuu ku xanuujiyo marka uu rabo.
- Wuxuu doonayaa inuu kaa dhigo qof uu maamulo , markuu rabo inca faraxdid , markuu rabana inaa murugootid. Muhiimada waa inuu maskaxdaada sida uu donno ka yeesho asigoo kaaga dhigaayo inaa adiga wax kaa qaldanyihiiin oo aa xwnuunsantahay .
2. Ixtiraam la’aan
- Hadal dhaawac leh, aflagaado , ereyo aan asiga qaadaneenin ama aadan ku dhihi karin ayuu kuu isticmaalaa. Ficilo aa adiga sameen karin wuu ku dhaqaaqaa si uu kuu tusiyo inuu ku ixtiraamin (balse qofka waxbartay , kalsoonina ku leh naftiisa dhaqankaan waxuu u arkaa qofkaan inuu asiga fiyoobeen oo ixtiraam darada ay tahay dabeecadiisa runta ah )
- Ku yaso ama ku liido
- Kuma qiimeeyo baniaadam ahaan
3. Mas’uuliyad ka carar
- Qaladkiisa ma aqbalo , waa baniaadam og inuu qaldanyahay balse rabin inuu masuul ka nordo naftiisa.
- Wuxuu ku eedeeyaa adiga , mar waliba waa qaladkaaga iska ogow
- Marna makuu raali geliyo si dhab ah, hadumu raali ahaaw ku dhaho ogow inuu ka gudbo ayuu rabaa meeshaan oo dan kale ayuu leeyahay ama iska dheh uu u leeyahay si uu kuu dejiyo bess ! mar kale had arinkaas iskusoo qaadaan waxuu ku leeyahay malaheeen qalad ani , adiga lee kluge aamusiinaayey , ama adigaa sabab u laheed inaa saan kurgu sameeyo ! baa sof maskax ahaan rabo inuu aqligaaga ku cayaaro iska ilaaali.
4. Masayr xad dhaaf ah
- Kuguma kalsoona , wuu isqariyaa mararka qaar
- Wax walba ayuu ka shakisan yahay, wuu soo dhuundhuuntaa si uu u dhageesto sheekooyinka dada kale oo amanta chan alabaabada gadaashoyoda ayuu dhegta saaraa.
- Wuxuu ku ilaalinayaa si xad dhaaf ah , talaabo kasta hadaa qaado inuu ogaado waaye , asiga laakinse wax kasta sir ayuu kagga dhigaa si uu maskaxdaada u dego oo thaqo kale aadan yeelan .
5. Manipulation (maskax ku ciyaar)
Wuxuu kaa dhigaa inaad adiga is shaki geliso, wax ayuu kluge sameenaayaa kadibna waxuu ku leeyahay shakiga aa isku abuureeso iska dhaaf , ama filimada aa badsatay iska dhaaf , ama drama miiran aa tahay . Ileen was qof u fadhiyo inu maankaag ku ciyaaro si aa u lumisid maskaxdaada kuna mashquusho.
- Wuxuu isticmaalaa dareenkaaga si uu kuu maamulo , inuu kaa xanaajiyo kadibna kuu dhaarto kadibna xukumo sida aa dhaqmeesid ( xaq uma lahaaneesid inuu ku dhageesto , haduu ku dhageestana kor uma hadji kartid , hada u hadashidna naga xir was muran badantahay ) adigana dareenkaaga sidaasaa ku ilaaweesaa.
- Wuxuu ku yiraahdaa: “aniga dadka way amaanaan "
- Amaantaas was wax igama qaldana ayu ka wadaa , maskaxdaada oo kaliya aaaa sidaas u fikirto! shaki sów kuma gelin hada? yaa aminee qofkaan xanuunsan mise naftaada oo cafaimaad qabta ?
Natiijada:
Waxaad dareemeysaa walwal, cabsi, iyo inaad naftaada luminayso , kalsooni darro , hurdo la,aan , hadaladii oo soo cehseneeso manta oo dhan! murugo , muran aan dhamaan ! maxi soo wadaa hadana aaaa ku noolaaneesaa!
1 comment
Abayo waaxbadan Ayan kafahmay ad Ayan u mahad Santahay 🥰🥰