Mararka qaar naftu way daashaa.
Qalbigu wuu dhaawacmaa, maskaxduna wey wareertaa.
Bogsashada dhabta ah ma timaado oo keliya adigoo ilmaynaya ama isla hadlaayo waxay timaadaa marka aad u laabato Rabbigaaga oo aad oggolaato in uu isagu kuu noqdo daawo iyo degenaansho.
Bogsashada Maaha Inaad Ilowdo, Waa Inaad Fahamto
Dad badan waxay u maleynayaan bogsashada inay la mid tahay in la illoobo wixii dhacay.
Laakiin bogsashada dhabta ahi waa marka aad fahamto wixii dhacay, aad wax ka barato, adigoo weli naftaada u naxariisanaya.
Qof kasta wuu dhaawacmaa, laakiin kaliya kuwa doonaya inay daaweeyaan dhaawacaas ayaa helaaya nabad.
Markaad ilaahey la hadleeso , ula hadal si daacad ah:
“Ilaahayow, waan xanuunsanahay, waxaan kaa rajeynayaa daawo.”
Rabbiga aad aamminsan tahay waa Rabbiga kuu keenaya daawo, xasillooni, iyo iftiin.
Noloshu Waa Tijaabo, Ee Maaha Ciqaab
Haddii ay noloshu kuugu adkaato, ogow inaysan ahayn ciqaab waa tijaabo.
Alle wuxuu ku leeyahay Qur’aanka:
“Waxaan idinku imtixaami doonaa wax yar oo cabsi, gaajo, iyo khasaaro ah…” (Al-Baqarah 2:155)
Marka ay nolosha ku imtixaanayso, Alle ma rabin inuu ku jebiyo — wuxuu rabaa inuu ku baro xoog( awood) , tawakkul, iyo samir.
Haddii aad u adkaysato, waxaad ka dhex heli doontaa naftaada mid xoog badan, og in ay ka cabsato kaliya Rabbigeed.
Noqo Qofkii Ugu Naxariista Badnaa Naftiisa
Mararka qaar, qofka ugu adag ee aad la dagaallamayso waa adiga naftaada.
Naftaada ha ku ciqaabin wixii dhacay.
Waxaad ahayd qof daalan, adigoo isku dayaaya inaad fahanto waxa kuugu dhacay ama nolosha guud ahaan.
Hadda waa waqtigii aad naftaada u naxariisan lahayd.
Sii nasasho, sii cafis, sii rajo, sii waqti aad ku bogsato.
Rabbiga naftaada abuuray ayaa og sida loo bogsiiyo kaliya u fur qalbigaaga.
Bogsashada Dhabta Ah Waa Markaad Ilaahay U Dhawaatid
Markaad daal dareento, tuko.
Markaad murugo dareento, akhri Qur’aan.
Markaad cidlo dareento, xasuuso in Alle kuu dhow yahay markaad is mooddo inaadan cidna haysan.
Bogsashada dhabta ahi waa marka aad fahamto in xasilloonida aan laga helin dadka ama dunida balse laga helo Rabbiga abuuray qalbiga.
“Xusuusashada Alle ayay quluubtu ku xasishaa.” (Ar-Ra’d 13:28)
Qalbigaagu wuxuu u baahan yahay dhowr shay si uu u bogsado: duco, cafis, iyo daacadnimo.
Markaad run u noqoto Alle iyo naftaada, waxaad dareemi doontaa degenaansho cusub.
Bogsashada maaha meel aad tagto waa safar aad la socoto Rabbigaaga maalin kasta.
Haddii aad dareemayso in aad u baahan tahay hagid, taageero ama inaa la hadasho qof fahmaya safarkaaga bogsashada,
waxaad igala soo xiriiri kartaa si toos ah:
📩 Email: counselingwithfatima@outlook.com
🌐 Website: fatimaabdullahi.com
📱 Instagram & Snapchat: @counselingwithfatima
Qalbigaagu wuu bogsan karaa kaliya qaado tallaabada koowaad 💞
Counseling with Fatima | fatimaabdullahi.com | @counselingwithfatima