Kalsoonidu waa tiirka ugu muhiimsan ee qofka ka dhiga mid isku filan, go’aan leh, oo ku kalsoon jidka uu nolosha uu marayo. Si nafsi ahaan iyo ruux ahaanba loo horumaro, kalsoonida dhabta ah waxy ka bilaabataa gudaha qofka, waxee keentaa inuu qofka fahamo, aqbalo hagaajiyana xiriirka qofka uu la leeyahayIlaahay.
1. Fahamka Nafsiyeed ee Kalsoonida
Daraasado badan oo nafsiyeed ayaa muujiyay in kalsoonidu aysan ahayn “wax lagu dhasho”, balse ay tahay xirfad la barto. Kalsooni la’aantu waxay inta badan ka timaadaa waxyaalaha qofka uu la kulmo inta uu noolyakay. dhacdooyin horę, dhaawacyo: sidee laguu diiday7diidi karaa, sidee laguu dhaliilay ama sider laguu dareemi waayey , laguu fahmi waayey?!. Maskaxda hoose (subconscious mind) ayaa markaas abuurta fariimo xaddidaya qofkana rumaysto/aamino, sida “anigu ma ahi qof buuxa ama Hof isku filan” ama “dadka way iga fiican yihiin”.
Dib-u-bogsiinta fariimahaas waxay ka bilaabataa aqoonsiga codkaas gudaha ah iyo beddelkiisa. Tusaale ahaan, halkii aad ka hihi lahayd “waan ka baqayaa inaan qalad sameeyo”, u beddel “qaladka waa qayb ka mid ah barashada ".
2. Xidhiidhka Diineed ee Kalsoonida
Diinta Islaamku waxay kalsoonida u aragtaa amanaad iyo aqoonsi ku saleysan tawakal. Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku leeyahay:
وَلَا تَهِنُوا وَلَا تَحْزَنُوا وَأَنتُمُ الْأَعْلَوْنَ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ
(Aal-Cimraan: 139)Aayaddani waa fariin toos ah oo Ilaahay uu u diray quluubta dadka rumaystey marka ay la kulmaan murugo, daal, ama niyad-jab. Waxaa ku jira xasuusin ruuxi ah oo aad u qoto dheer: in kalsoonida dhabta ahi aysan ka imaan guulaha muuqda ee adduunka, balse ay ka timaado iimaanka iyo tawakalka.
Marka Ilaahay leeyahay “Ha murugoonina, hana niyad jabina”, waa sida uu qalbiga adoomadiisa uu u dajinaayo,isagoo uu sheegaya naf kasta oo daalan in murugada aysan ka qaadin qiimahaaga ama kaa indho tirin , iyo in niyad-jabku uusan tirtirin jacaylka Ilaahay uu kuu qabo.
Kalmadda “wa antumul a‘lawna” (idinku waad sarraysaan) macnaheedu ma aha inaa kibirtid!, ee waa xasuusin ruuxi ah oo sheegaysa in qofka rumaystaa uu ruux ahaan ka sareeyo xaaladdaha uu ku jiro. Xanuun, khasaaro ama dhibaato ma hoos dhigaan qofka leh iimaan iyo tawakal, sababtoo ah awoodiis iyo kalsoonidiisa kama qaato baniaadamka ee, waa mid Rabbaani ah( Ilaahey ayuu ku kalsoonyahay).
Kalsoonida Muslimka ahi maaha isla-wayni ama kibir, ee waa xasilooni ku dhisan yaqiin iyo tawakal in uu qofku sameeyo dadaal iyo qorshe, isagoo og in natiijadu ku xiran tahay Qaddarka Ilaahay.
Marka qofku isku arko sida uu Ilaahay u abuuray sharaf leh, awood leh, khalad samayn kara balse wali la jecel yahay waxaa ku dhalanaysa kalsooni aan ku tiirsanayn ra’yiga dadka.
3. Talooyin Nafsiyeed iyo Diineed oo Lagu Dhiso Kalsoonida
-
Samee “inner dialogue” caafimaad leh: la hadal naftaada si naxariis leh. Ha ahaato codkaaga gudaha mid dhiirrigeliya, ee aan ahayn mid cambaareeya oo eed lee ku tiirsan.
-
Xasuuso nimcooyinka Ilaahay: qor maalin kasta saddex waxyaabood oo aad ku faraxsan tahay. Tani waxay kicisaa “gratitude mindset” oo kor u qaada kalsoonida.
-
Ha isbarbar dhigin dadka kale: Qur’aanku wuxuu na barayaa in qof walba loo tijaabiyo si gaar ah. Baro inaad qiimeyso safarkaaga, adigoon is barbar dhigayn daska kale.
-
Ka shaqee naftaada maalin kasta: horumar yar oo joogto ah ayaa ka qiimo badan hal tallaabo weyn oo mar keliya ah (baby steps) .
-
Ku xir Ilaahay naftaada: salaadda, duco, iyo tafakkur (fikir qoto dheer) ayaa ah furayaasha lagu xoojiyo isku kalsoonaanta ruuxeed.
Ugu danbeyn
Kalsoonidu ma aha in la helo nolol kaamil ah , balse waa in la yeesho xasillooni gudaha ah oo kuu oggolaanaysa inaad wajahdo caqabadaha si geesinimo leh. Marka kalsoonidaadu ka timaaddo faham, naxariis iyo tawakal waxaad noqonaysaa qof ruux ahaan xooggan, nafsi ahaan bogsaday, bulsho ahaanna wax taraya.