Dhaqanka iyo Diinta: Kala duwanaanshaha Muhiimka ah

Dhaqanka iyo Diinta: Kala duwanaanshaha Muhiimka ah

Maxay tahay dhaqanka? Maxay tahay diintu? Miyay isku mid yihiin? Su'aalahan waxay taabaan nolosha maalinlaha ah ee qof walba oo aduunka saaran.

“Dhaqanku waa wixii aadamigu sameeyo; diintu waa wixii Ilaahay amro.”

Dhaqanku Waa Maxay?

Dhaqanku waa caadooyinka, farshaxanka, luuqadda, cuntada, muusigga, iyo hababka nololeed ee bulshadu xilliyo dheer ku soo noolaa oo ay ka dhaxashay awoowayaasheed. Waa wax aadamiga abuurtay wayna isbedeshaa waqti ka waqti , gobol ka gobol, jiil ka jiil.

Tusaale ahaan, Soomaalidu waxay leedahay caado ay ku xidhaan guurka,geerida, iyo ciidaha. Qaar ka mid ah caadooyinkan waxay ka soo jeedaan diinta Islaamka; qaar kalena waa dhaxal hore oo ka dhaxlay xilligii hore. Labaduba waxay ku nool yihiin nolol maalmeedka hal guri.

Diintu Waa Maxay?

Diintu gaar ahaan Islaamka, oo ah diinta ugu badan ee Soomaalida  waa xeerarka iyo tilmaamaha Ilaahay u soo dejiyay aadanaha. Waxay ka timid  samada: Qur’aanka Kariimka iyo Sunnadda Rasuulka (SCW). Diintu ma isbedesho ; waa xaq joogta ah, waqti ka madax bannaan.

Halka Ay Khilaafku Ka Yimaado

Mushkiladda waxay timi markii qaar ka mid ah dhaqamada la bilaabay inay meel u kacaan xeerarka diinta.Tusaale: caadooyinka qaar ee arooska Soomaaliyeed waxay marmar noqonaysaa culays weyn oo qoysaska saaran, halka diintu aysan u baahnayn in la ballaariyo. Tusaalooyinka way badanyihiin , dhaqanka dumarka iyo Ragga way kala duwanyihiin balse waxaa la arkaa in ay bulshadeenu ka tageeso runta ah Ninka ragga ah dhaqamadiisa iyo waxa ay diintu fartay in la iska indho tiro . Dumarku in culees la saaro diin iyo dhaqanba ma qabto balse bulshadeena waxaa u maleesaa sanadahaan danbe in ay iska indho tireeso kana dhigeeso in Ragga la “koolkooliyo” ay rabaan kana dhigaan wax caadi ah ! meesha dhaqankaan loooga baahnaa in ay Ragga kula dhaqmaan dumarka . Hadeey tahay mid kula dhalatay , mid aa dhashay , mida ku dhashay iyo mid aad la nooshahay oo lamaanahaaga ah intaasba waxeey kuugu leeyihiin dhaqan wanaagsan , koolkoolin iyo wanaajin . Intaba xilkooda ku saaran oo waa inaa ogaataa oo maahan in aa ka fishaa in adiga lagu koolkooliyo .

Diinteena suuban waxey na bartay oo Quraanka kusoo arooray Qawaaam ; Micnaheeda la isku haysto la leeyahay waa awood meesha ay runta tahay masuul : nafaqo , adeege , dhoore , hage , hagaajiye , sabre , dhabar adeego oo masuuliyadiiisa kasoo baxo ! mMarka hadaa sugeesid in lagu dhowro oo lagu koolkooliyo ma adigaaba intaaas noqoni karo?koolkoolinta waxey keentaa jiljileec iyo dhaqamade laga rabay in ay haweeneydu ku dhaqantu hormons noocaan ahna waxaa leh haweenka oo ilaahey ku abuuray meesha ninka ragga ah uu yahay masculine !

Waxaa kaloo arkaa in bulshadeena ka tan badantahay caadifad dumar iyo ragba ! labada dhinac aanba si loo fikireenin oo qof walboo hadla qofka kale haye raac yahay! Aaway kala duwaanshaha iyo in la isku fahmo inaa kala duwanahay? Inaa isku ixtiraamno inaa kala raayi nahay xitaa hadaa kala guri kasoo baxnay ? ma qasab baa inaa saan u fikiraayo igu raacdaa waa maya balse waa qasab inaa igu ixtiraamtaa ana kuugu ixtiraamaa! Waxaa arkeesaa in aqoon darada ama aqoon yarada keeneeso inaa nahay bulsho haye raac ah ! Qaabka uu u socdo jiilkeena ayaa arkeesaa in Ninka ragga ah loo yaqaano midka wax dila , wax dhaca , wax diida , wax xooge , ilmihiisa dayaca , reerkiisa xumeeeya ! midka u wanaagsan noloshiisana loogu magac daro : inuusan Nin Ragg ah uusan aheyn , ama yahay daanyeer , ama la xukumo ama uu sixranyahay? Sheekadaan xagee ka imaatay? Diin koleey maahan qof muslim ahna haduu saan u fikiraayo waa inuu ku noqdaa Qiyamka diinteena iyo karaamada ay siisay qof waliba oo baniaadam ah .

 

Maxaa keenaayo in aa heerkaan gaarno oo dhaqan xumo kaliya ay faafaan ? Diinteena aan ku marmarsiyoona , midkii runta ka hadalana aaan u aragno inuu waalan yahay , lagusoo jiro , ama gaal ah , ama ah mashruuc ay gaalada wataan ? maskaxdeena dhab ahaan maka joogsatay in ay korto oo kobacdo ? ma korka uun ayaa ka waynaanaaan? Dhul ahaan waan u dhismeenaa balse waxaa ka muhiimsan aniga ahaan in aa maskaxda ka korno intaa ku mashquuli laheen dhul iyo waxyaalo kale oo aan ka muhiimsaneen nafteeen! Suaalahaan isweydiiy oo isla fariiso oo fikir? Caqliga ilaahey wuu nawada siiyey balse qof waliba uma isticmaalo sida loo baahnaa .

Muhiimka waa in aan la quusan in wax dhaqan ah oo xun loo caadeeyo diineed, iyo in xeer diineed  khuseeyoona loo arko dhaqan caadi ah. Waa in la kala saaro: Waxa Ilaahay yidhi iyo waxa bulshadu caado ka dhigtay oo la bedeli karo , la hagaajin karo .

Faahfaahin muhiim ah: Diinta Islaamku waxay u ogolaan kartaa dhaqamada haddaan ay diidanin waxyaalaha xalaalka iyo xaraanta. Culimada waxay u yaqaanaan tani “al-caadatu muhakkama” — caadadu waa mid la tixgeliyaa haddayan diinta khilaafin.

Gabagabada

Dhaqanka iyo diintu kuma ay ahayn cadow. Waxay noqon karaan lamaane haddaan midkoodna kale aanay kaabin. Laakiin si kastaba ha ahaatee, waa in aan la quusan in wax dhaqan ah oo xun loo caadeeyo diineed, iyo in xeer diineed khuseeyoona loo arko dhaqan caadi ah.

Aqoonta, su’aalaha caqliga leh, iyo cilmiga diinta  taas ayaa noo furi doonta iftiin xilliyadaan mugdiga leh.

Back to blog

1 comment

Dhaqan iyo diin wa kala laba

Noura Mohamed Adam

Leave a comment